Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa wayn ee magaalada, kadib markii ay raasaas ku fureen dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan.

Qaar ka mida saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo gaadhay goobta dilku ka dhacay ayaa  Saxaafada  u sheegay, inay dablaydii hubaysnayd ee dilka geysatay ay goobtaas ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa  xalay bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan la tuuray..

Bilihii u dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay qaraxyo, kuwaas oo intooda badani ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyada oo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa haatan cid si toosa u sheegatay Mas’uuliyada  weeraradaan ka dhacayay Boosaaso

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply