November 6, 2024

Barakac ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah.

Goobaha weli barakaca laga dareemayo waxaa ka mid ah xaafadda Kooshin, gaar ahaan Raaderka iyo Kutiimbo oo ah meelaha ay saameynta ugu badan ku yeelato fatahaadda wabiga Shabelle.

Qoysas badan oo ka barakacay xaafadahaas ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku go’doonsanaa guryihii ay ku noolaayeen, kuwaasi oo aan awoodin in ay ka baxsadaan fatahaadda biyaha roobka ka dhashay.
“Anaga oo hurudnay ayaa dhinac walba waxaa ka soo galay biyo,waxa ay ahaayeen daad xoog badan oo daqiiqado gudahood wax walba buuxiyay,ma aanan helin fursad aan kaga guurno,markaas ayaan caruurtii dul dhigay saqafka kore ee guriga,waxaan u cararnay meelo sare. ” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo cabdulahi xuseen cilmi oo ku go’doonsan xaafadda Kutiimbo ee magaalada baladweyne.

Wali lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanka iyo kooxaha gurmadka ay wadaan gurmadka dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wabiga Shabeelle ayaa sidaan oo kale marka lagaaro Xili roobaadka waxa fatahaad ka sameeyaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, taas oo ay ka dhashaan khasaaro iskugu jira Dhimasho,Dhaawac,Burbur hantiyadeed iyo Barakac.

W/D: Bashiir Abdulahi Osman
Beledweyne, Soomaaliya

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply