January 18, 2025

Wararka ka imaanaya magalada Muqdisho ayaa sheegaya in barri oo Axad ah dib u bilaabmaya ciyaarihii maamul goboleedyada oo hakad u galay kadib muran hadheeyay, kaas oo kooxda Koonfur Galbeed ay kaga baxday ciyaaraha.

Kooxda Koonfur galbeed ayaa si rasmi ah uga hadhay tartanka, waxaana kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xeriirka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyadu ay go’aamiyeen in sidaas looga hadho Koonfur Galbeed.

Hirshabeelle ayaa berri soo xaadiri doonta si saddex dhibcood looga siiyo Koonfur galbeed oo aan meeshaba joogin maadaama ay iyaga la ciyaari lahaayeen.

Sidoo kale] Intaas ka dib waxaa dhici doonta ciyaarta u dhaxaysa Gobolka Banaadir iyo Jubbaland taas oo go’aamin doonta sida ay kooxuhu isugu aadayaan afar-dhamaadka.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply