Booliiska waqooyiga Hindiya ayaa daadiyey sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u joojiyaan kumanaan beeraley ah oo ku wajahan caasimadda Delhi kuwaas oo dalbanaya qiimaha ugu yar ee dalagga.
Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya daruuro qiiqa gaaska ah oo loo adeegsaday in lagu kala eryo dibadbaxayaasha meel u dhow magaalada Ambala, oo qiyaastii laba boqol oo KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda.
Booliska ayaa dhufeysyo iyo xayndaabyo ka samaystay waddooyinka gala saddex gobol oo ku xeeran caasimadda.
Maamulka Delhi ayaa mamnuucay isu imaatinnada waaweyn ee dadweynaha muddo bil ah.
Waxay isku dayayaan in ay ka hortagaan soo laabashada dibedbaxyo kuwan la mid ah oo soo dhammaaday qiyaastii laba sano ka hor, ka dib bilo ay socdeen rabshado ba’an.
Office Nairobi Kenya