January 14, 2025

 

Booliska Hindiya ayaa xiray labo qof qowleysato ah oo lala xiriirinayo weerar hubeysan oo lagu qaaday guriga jilaaga caanka ah ee Salman Khan.

jilaagan oo ka qaybqaatay in ka badan 100 filim ayaa ka careysiiyey shuftada Bishnoi, ka dib markii uu diley labo cawl muddo 20 sano haatan laga joogo.

Shuftadan oo ka tirsan koox diimeed uu hoggaamiyo nin dilaa ah la yiraahdo Lawrence Bishnoi oo ugaarta barakeysta ayaa rasaas ku furay hoyga Salman Khan uu ka degen yahay magaalada Mumbai, ka hor intii aysan goobta ka baxsan. Jilaagan 58 jirka ah ayaa xilligii la beegsanayey waxaa guriga kula sugnaa dhowr qof oo qaraabadiisa ka mid ah. Laakiin cidna weerarkaas wax kuma noqon.

Labada nin ee falkaan loo qabtay oo lagu kala magacaabo Vicky Gupta oo 24 sano jir ah iyo Sagar Kumar Palak oo 21 sano jir ayaa Axaddii mooto ku yimid xaafadda Bandra ee ay degaan dadka ladan, ka dibna waxay ku hurgufeen rasaas ka dhaceysey qoryaha fudud.

Booliska Hindiya oo in muddo ah baadigoob ugu jirey ragga falka geystey ayaa hebeenimadii Isniinta labada eedeysane ku qabtay degmada Kutch ee gobolka Gujarat. Booliska ayaa intaas ku daray in labada ninba ay qirteen dambiga loo haysto.

Bishnoi oo ah dilaa laga cabso ayaa hadda xabsi ugu jira dil uu u geystey fannaan la oran jirey Sidhu Moose Wala 2022. Waxayna nimanka loo qabtay weerarka dhicisoobey ee lagu qaaday guriga Slaman Khan sheegeen in ay inmuddo ah gaadgaadayeen jilaaga, ayna meel u dhow guri ka kireysteen si ay u dilaan.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply