Wararka ka imaanaya maamulka Jubaland  ayaa sheegaya in Booliska  Jubaland ay gacanta ku dhigeen howlgal ay ka sameeyen deegaanno ka tirsan maamulkaas ay ku soo qabqabteen dad dhalinyaro ah oo arday ah iyo mukhallasiin dooneyay in da’yartaas ay tahriibiyaan.

Mas’uuliyiinta booliska ayaa sheegay in kooxda tahriibinta wadday ay tahay shabkad isku xiran isla markaana ay hadda iyaga iyo gaadiidkii ay adegsanayeen ay gacanta ku hayaan, maxkamadna ay soo taagi doonaan dhawaan.

Sidoo kale Waalidiinta ayay ku booriyeen boolisku in ay ka war-qabaan ubadkooda xilliyada wax barashada ay ku jiraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply