October 10, 2024

 

 

Madaxweyne Xasan shekh ayaa goor dhawayd oo caaw ah booqday hoyga Xildhibaan Muuse Suudi uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ee Mirinaayo

Wararka ka ayaa sheegaya in caawa caawa magaalada Muqdisho intii uu socday Safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu  caawa  ugu tagay Muuse suudi aan loo Xirin Wadooyinka.

Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi ayaa ku kala tegay magacaabidii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo noqon weysay sidii uu rabay Muuse.

Booqashada Madaxweynuhu uu caawa ku tegay Muuse Suudi ayaa daarneyd salaan iyo raalli-gelin uu Xasan Sheekh u siday Senatorka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si kalsooni badani ku jirto salaan gees uga soo bilaabay dadkii joogay suuqa iyo kuwii fadhiyay maqaayadaha ganacsi ee ku yaalla aagga suuqa illaa sigoyska Jubba.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan shekh ayaa habeen sadaxaad markii la weeraray Xerada Jeneral Gordan, waxa uu dhaawacyadii ku booqday 2 saac kadib Ispitaalka Digfeer, taasi oo aysan jirin wadooyin loo xiray.

Madaxweynihii ka horeeyay Xasan shekh farmaajo ayaa waxaa loo xiri jiray Wadooyinka, waxaana meesha ka muuqato in amaanka Muqdisho uu wax iska badalay.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply