In ka badan 220 qof oo rayida, oo ay ku jiraan 56 caruur ah ayay xasuuqeen ciidamada Milatariga Burkino Faso hal maalin oo qura, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadamaha ee HRW.

Weerarrada oo dhacay 25 Febraayo, milatariga ayaa ku dilay 179 qof tuulada Soro, halka 44 kale ay ku dileen meel ku dhaw tuulada Nondin, sida lagu sheegay baarista HRW.

Hay’adda ayaa ku qeexday dil wadareed kan mid kamid ah kuwii ugu xumaa gabood fallada milatariga gaysto muddo ku dhaw toban sano.

Maamulayaasha Burkino Faso wax faalo ah kama bixin warbixinta.

Bishii la soo dhaafay dacwad oogaha guud, Aly Benjamin Coulibaly ayaa codsi u jeediyay dadka goobjooga u ahaa dhacdooyinkan si loo cadeeyo kooxaha dil wadareedka gaystay.

Qaar kamid ah dad kii badbaaday ee daganaa tuulooyinkaasi ayaa HRW u sheegay in kolonyo milatariga ka tirsan oo ay la socdaan illaa 100 askari ay yimaadeen tuulada Nondin, 30 daqiiqo kaddib markii ay halkaas ka gudbeen dagaalyahanno islaamiyiin ah.

Askarta ayaa guri guri u galay, iyagoo dibadda u soo saaray dad kii ku jiray.

‘’Markaa dabadeed koox koox ayay saf u galiyeen, kahor inta aanay rasaas ooda uga qaadin,’ warbixinta ayaa soo xigatay dad badbaaday iyo goobjoogayaal.

 

Xafiiska wararka muqdisho

Leave a Reply