Warar dheeraad ah iyo shaki ayaa ka dhashay komeer uu ku tagay Taliyaha booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin xerada ciidamada gaarka ah ee Haramac ee loogu magac-daray Jeneraal Farxaan Qaroole, halkaas oo lagu soo bandhigay tiro kamid ah ciidamada ammaanka.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qayb qaateen sugidda amniga magaalada Muqdisho, ayna ka hortageen falal liddi ku ah amniga oo ay soo maleegeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka booliska mas’uuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxda Al-Shabaab.
Kor meerkaas ayaa waxaa ka dhashay shaki xoogan oo ku aadan in loo diyaarinayo inay weerar ku yihiin xaafadda dab-damiska oo ay isku hayaan dowladda iyo shacabka deggan halkaas oo lagu amray inay ka guuraan.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasaddda gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadan la’isugu dabariday, si ay uga qayb qaaataan weerar uu sheegay in dowladda qorsheynayso, si shacabka looga raro halkaasi.
Office Nairobi Kenya