December 4, 2024

 

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.

Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.

Sidoo kale taliska  Ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaday in gacanta lagu dhigay eedaysanaha Maxkamadna la gayn doono si cadaalada loo marsiiyo.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply