Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Mustkima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, kaasoo looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab. Maamulka ayaa ku daba jiray Abuu Maahir tan iyo sanadkii 2019-kii kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka sarkaal boolis ah iyo labo qof oo rayid ah oo ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu.
Xariga ayaa dhacay xili uu bas ka raacay Lamu kuna sii jeeday Malindi. Saraakiisha ayaa ku waramaya in Mustakima uu horay ugu dhuumaaleysanayay Keymaha Boni, balse uu u baxsaday dhanka Soomaaliya, kadib markii ay sii xoogeysteen howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan deegaanka.
“Xerista saraakiisha Al-Shabaab sida Mustakima waa guul la taaban karo oo laga gaaray dagaalka aan kula jirno argagixisada,” ayuu yiri afhayeenka dowladda. “Dowladda waxaa ka go’an in ay isticmaasho dhammaan agabka la heli karo si loo yareeyo khatarta argagixisada.”
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale xustay in ololihii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka dhacay Lamu uu ahaa mid wax ku ool ah, taasoo keentay in ay yaraadaan weerarrada argagixisanimada, fududeynta mashaariicda horumarineed ee gudaha, iyo xoojinta warshadaha dalxiiska.
Maamulka ayaa sheegay in la bilaabay ugaarsi lagu baadi goobayo dad kale oo la aqoonsaday oo weli baadi goob loogu jiro.
Xafiiska Wararka Muqdisho