Ciidamada ammaanka Puntland oo wali ku haya Xabsi ku yaala Garoonka Garoowe Wariye Jamal Muhumed Osman oo al-shabaab TaageeraCiidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhigay Wariye Jamal Muhumed Osman oo saaka kasoo dagay magaalada Garoowe.
Jamal Muhumed Osman ayaa ah weriye Soomaali ah oo ka tirsan telefhsinka Chanel 4 ee laga leeyahay dalka UK.
Weriye Jamaal ayaa marar badan si weyn baraha bulshada ugu taageerayay kooxda Al shabaab, waxaana aad u dhaliili jiray madaxda dowladda Soomaaliya.
Dowlada Somaliya ayaa sanadkii hore ku xirtay muqdisho saacado ka dibna dalka masaafurisay weriyaha magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo degay garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale Weriyaha ayaa lagu tuhmay inuu xiriir la leeyahay Al shabaab ka dib markii uu dhowr jeer booqday degaanada Al shabaab, wareysiyana ka soo qaaday hogaamiyeyaasha kooxdaas taasoo dhalisay xasaasiyad badan.
Xafiiska Wararka Muqdisho