Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya Howlgal Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay degmada Jamaame ee gobolkaasi .
Howlgan kan ayaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Jubbaland, waxayna ku dileen ilaa 30 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Howlgalladan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano dhaca jiinka wabiga, isla markaana ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sidoo kale Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgallada lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa Al-Shabaab, welina ay sii socdaan howlgallada.
Ciidamada dowladda oo kaashanayaa kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo culus ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Muqdisho