December 6, 2024

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Howlgalada  Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya  ay ka wadaan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo ay ku baacsanayaan Maleeshiyaadka Al-shabab.

 

Ciidanka Ilaalo qaran oo ah kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya ee dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta howlgalo qorsheysan kawada deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalada ayaa ciidamada si gaar ah waxay uga wadaan dhulka howdka ah ee u dhaxeeya  deegaanada kala ah Maracadde, Galka saalimow iyo Garas wayne oo la sheegay iney gambaad u yihiin kooxda.

Sidoo kale  howlgalo noocaan oo kale ah ayaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka saacadahii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanada kala ah Daaru nicma, Ceelbacad iyo Burka fiiqey oo ah deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply