Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Waddada isku xirta Degmooyinka Buula-burte iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab dagaal ku dhex maray jidka isku xira degmooyinka Buula-burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay warbaahinta in iska horimaadku uu ka dhacay buurta lagu magacaabo Wareertiire, kaddib markii ay isku uruursadeen kooxihii weerarka ku qaaday ciidamo beeleed deegaanka ah. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in dagaalka uu socday ku dhawaad labo saacadood.
sidoo kale dagaalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay meesha ka saareen dhowr maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
.Xafiiska Wararka Muqdisho