Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay ka wadaan wax ay ugu yeereen howlgal ‘gaar ah oo xaddidan’ oo ay ka wadaan gudaha isbitaalka weyn ee koonfurta Qaza.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay rasaas ku fureen isbitaalka, halkaasi oo uu ku dhintay qof bukaan ah, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujinaya shaqaalaha caafimaadka oo ku degdegaya inay bukaannada ku qaadaan sariiraha iyada oo la marayo marin uu ka buuxo qiiq.
Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Israa’iil, (Rear Admiral) Daniel Hagari, ayaa sheegay inay jiraan xog ku saabsan in Xamaas ay dad rayid ah ay afduub ahaan ugu haysteen isbitaalka Naasir
Office Nairobi kenya