April 27, 2024

Ciidamada ilaalada xeebaha  ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in lix qof weli la la’yahay ka dib markii markab konteenar ah uu soo riday buundada muhiimka ah ee magaalada Baltimore. Waxay sheegeen in dadkaasi hadda loo malaynayo inay dhinteen.

Shir jaraa’id, ayuu Rear Admiral Shannon Gilreath, ku sheegay in aysan u badneyn in dhibbanayaashu ay nool yihiin sababo la xiriira muddada dheer ee ay maqan yihiin iyo heerkulka biyaha oo hooseeya.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay hakinayaan howlihii baadi goobka iyo samata bixinta oo ay hadda diiradda saarayaan howlgalka soo kabashada.

Haase yeeshee, waxay intaa ku dareen in iftiinka liita iyo burburka buundada ee biyaha ay ka dhigayaan dadaallada soo kabashada mid aad u adag.

Lixda qof ee la la’yahay ayaa ahaa shaqaale dhisme oo ka shaqeynayay buundada markii uu shilku dhacay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply