.
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Shiinaha ayaa biyo ku hafiyey dooni laga leeyahay dalka Filibiin oo mareysay aagga lagu muransan yahay ee badda Koonfurta Shiinaha.
Horaantii, Filibiin waxay Shiinaha ku eedeysay “dhaqdhaqaaqyo khatar ah” ka dib markii maraakiibtooda ilaalada xeebaha ay isku dhaceen aagga Talaadadii.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka, sarkaal ka tirsan Filibiin ayaa sheegay in markooda uu soo gaaray “dhaawac kore”.
Waxa uu wadaagay muuqaal muujinaya maraakiibta oo isku dhacay ka dibna is xoqaya.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa ku warantay in Ilaalada Xeebaha Shiinaha “si sharci ah u qaadeen tillaabooyin ka dhan ah markabka Filibiin”
Xafiiska Wararka Muqdisho