Ciidamada Israa’iil oo is qarinaya – oo isu soo ekeysiiyay shaqaale caafimaad iyo haween Falastiiniyiin ah – ayaa toogasho ku dilay saddex dagaalyahan oo Falastiini ah oo ku sugnaa isbitaalka Ibn Sina ee magaalada Jenin ee ku taal dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Mid ka mid ah raggan ayaa ka tirsanaa Xamaas, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxda Islaamic Jihaad.

Milateriga Israa’iil ayaa ku andacoonaya in ay qorsheynayeen weerar ku soo fool leh iyaga oo ay isbitaalkana ka dhigteen gabbaad.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa ku tilmaantay dilka ka dhacay gudaha cisbitaalka mid aad u fool xun iyo ‘dambi ka dhan ah bini’aadantinimada.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply