Waxaa saakay gobolka Gedo laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen ciidamada Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay soo buux dhaafiyay Gobolka Gedo.
Ciidamada Itoobiya ayaa lasoo wariyay inay xalay bandow kusoo rogeen degmada Doolow, kadibna ay isku fidiyeen waddada dheer ee aada dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Xiisaddan ayaa daba socota dadkii Oromada ahaa ee habeen hore lagu laayay magaalada Beledxaawo, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, ayaga oo ka dalbaday in jawaab laga bixiyo falka lagu laayay dadkaasi oo shacab ahaa.
Office Nairobi Kenya