March 23, 2025

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya Maleeshiyo deegaanka ah ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay xaafadda Hanti wadag, waxaana dadka la dilay uu ka mid ahaa horjooge lagu magacaabi jiray Zubeyr oo mar soo noqday madaxii Amniyaadka kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in sidoo kale ciidamada Danab ay burburiyeen fariisimo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanka, iyagoo wacad ku maray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply