September 14, 2025

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Howlgalka ayaa waxaa qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, una dhow degmada Adladan Yabaal ee Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaabka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inay horay dadka deegaanka uga wateen xoolo nool oo Ari ah, waxaana kadib sidaas ku weeraray Macawiisleyda deegaanka.

Sidoo kale Sarkaal u hadlay ciidanka howlgalka qaaday ayaa sheegay inay ka hortageen dagaal ay soo abaabulayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare culus, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee HirShabelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply