Dr./Gaashaanle sare, Mohamed Aden Jimale (Koofi). Musharaxaan waa nin dhallinyaro ah, agoonnimo ku soo koray, kuleejada agoonta ku jiray laguna soo barbaariyay, saaxada soo fuulay xilli hadda 17 Gu’ laga joogo.

Markii sannadkii 2007 Schoolkii uu macalinka ka ahaa, kana dhigayay maadooyinka Chemistry iyo Biology-ga ay isaga oo xiisad/cashir bixinaya ciidankii Tigreega ugu soo galeen fasalka, labo ardaydiisa kamid ahna loo gacanqaaday ciidanka iyo isagu isku-gacan qaadeen, caradii uu arrintaas ka qaaday-na inta jeestadii uu cashirka ku dhigayay dhulka dhigay dheegga qoriga saartay.

Abaabulay dhallinyaradii xaafadda uu daganaa iyo ganacsatadii nawaaxiga, isku-dubba-riday ee hoggaaminayay guuto ciidan ah oo kacdoon shacab ka dhashay lana baxay magaca “muqaawamo” taas oo caan ku aheyd in ay ciidankii tigreega xeryahooda ugu gasho ammin-kasta oo qoraxdu dhacdo, sahaydooda wadooyinka ka jarto, ugu danbeyna ku qasbtay in ay dalka ka baxaan Tigreegu markii ay dhankasta ka go’doomiyeen.

Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa dagaalkii la baxay HILLAAC-WEEYNE ee billihii ugu hooreeyay 2007 goor saqdhexe ah ka qarxay aaga School-ka Maxamuud Xarbi ee Wardhiigleey, dhanka Xamar Bile gaaray, isbartiibada, Jidka warshadaha, Towfiiq iyo Fagax ku faafay ilaa aagga Jamhuuriya oo Kaaraan ah gaaray, holaca iyo gugaca hubku is qabsaday, iftiinka hubka wax-gumaada oo la is dhaafsanayay uu habeenkii maalin cad ka yeelay, taas oo ah sababta uu magaca “Hillaac-weeyne” uu dagaalku u qaatay.

Waxaa tilmaamis mudan sida ay wiilasha iyo gadhaha soomaalidu naqdiin-kii dugsiyada qur’aanka oo kale ah ay cashir la mataano ah midkii 1977 ee Godeey iyo Jigjiga ugu dhigeen ay markale Tigreega Muqdisho ugu dhigeen, xilligaas oo gaashaanle sare koofi uu ka hoos shaqeeynayay hoggaankii ugu sarreeyay muqaawamada gudaha [Shekh Abdulqadir Cali Cumar].

Ugu dambeyna, isla maalinkii uu madaxweyne Shariif oo Jabuuti lagu soo doortay uu dalka soo galay isla galabkiisii dowladnimada ku soo biiray, markii ay xilli habeennimo ah khawaarijtu labo miino oo saacad lagu xiray ay ugu xireen sariirtii uu qorsheeynayay inuu seexdo habeenkaas, alle-se ka badbaadiyay.

Isla bishii xigtay markii uu madaxweyne Shariif dalka soo galay-na tabbobar ciidan u tagay dugsiyada dagaalka ee dalalka Sudan, Uganda iyo Jabuuti, markii dandabana noqday Taliyaha ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha) (VIP Protection Unit). Taliyaha ilaalada madaxweynuhu waa qofka kale ah ee madaxweynaha ula geli kara isaga oo Bistooladdiisu u xirantahay.

Madaxweynihii xigay oo Xasan Shiikh ahaa ayaa u dallacsiiyay Taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir, dabadeedna u sii dallacay La-taliye sare oo sirdoonka ka tirsan iyo madaxii ugu sarreeyay xafiiskii howlgallada sirdoonka dalka, taas oo Koofi ay shacabka soomaaliyeed ku xasuustaan dilkii hoggaamiyii Alshabaab Mujrim Axmed Cabdi Godane ugu danbeyna loo magacaabay Agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Taas oo ay barbar socotay dhameeystirka waxbarasho dibadda ah oo uu madaxweyne Farmaajo u diray sannadkii 2010 xilligaas oo Farmaajo uu Ra’isalwasaare ahaa.

Dr. Koofi iyo Koox aqoonyahnno ah oo uu ku jiro madaxweynaha dalka MD Xasan Shiikh Maxamuud ayayna maalin qura wada qaateen darajada cilmiga ugu sarreeysa ee PhD-da, oo uu ku qaatay Nabadda, Hormarinta iyo dowlad-wanaagga.

Dhanka kale waa Bare jaamacadeed, bahda ciyaaraha ka tirsan, qoraa bahda qalinleeyda xubin ka ah, waana abwaan sameeyay ku dhawaad 30 heesood oo ka tirsan golaha suugaanleeyda.

FURSADDA UU DR. KOOFI HEEYSTO WAXAA KAMID AH;

  1. Aqoon ahaan iyo maamul-yaqaan ahaan waa ninka ugu dhisan dhammaan musharixiinta tartameeysa
  2. Waxaa caawinaya in la joogo kaltankii beesha Cayr ee kursiga ugu sarreeya Galmudug, maadaama ay beelaha Galmudug is-xijiya ee kale horay u soo qaateen kaltankooda.
  3. Inta Galmudug ku tartameeysa waa musharaxa KALI AH ee aan dakano siyaasadeed, mid qabiil, shaqsi, xisbi ama deegaan reer Galmudug ah midkoodna qabin, waana sababta aanay u jirin hal qof oo caqabad u arka soo bixitaankiisa.
  4. Waa halka musharax EE KALI AH oo sarkaal ciidan ah kana gaaray gaashaanle sare, taas oo ah baahida ugu weeyn ee maanta la qabo si Galmudug cadowga looga xoreeyo.
  5. Waa nin aad u dhowrsan, saaxiibo badan, xiriiro adag la leh bulshada, gaar ahaa dhallinyarada, ganacsatada iyo dhaqanka, adkeeysi iyo dulqaad lagu tilmaamo, dhanka maamulka aad loogu amaano, axdiga dhowristiisa ku mintida.
  6. Nin lagu soo hirto oo bulshadu kusoo aruurto
  7. In ay dhowr qabiil oo reer Galmudug ah riixayaan gaar ahaan labada beelood ee reer Ceelbuur beesha (murusade) iyo beesha (duduble) sidoo kale beesha waqooyiga Galgaduud degta ee [Mareexaan] iyo beesha Cayr oo aanu kaligiis ku aheeyn maadaama uu musharax kale la qeybsanayo.
  8. Wuxuu taageero lixaad leh ku helay dulmigii lagula kacay ee siyaasadeed magaca garsoorkana la huwiyay.
  9. Qodobka ugu muhiimsan oo uu heystana waa inuu yahay musharax aanay dhammaan musharixiinta kale wax dhib ah ku qabin “compromise candidate” dhexdhexaad u wada ah oo aanay dhib u arag in ay u wada tanasulaan haddii uu wareegga koowaad ka codad badiyo, marka laga reebo Agaasimihii hore ee NISA iyo ganacsato la jaal ah oo dilkiisa cibaado iyo alle–dhawaansho u arka.
  10. Nabaddoon warka hela oo inuu duullaan qaado ka jecel inuu dadka walaaleeyo xilliga la joogana ah kan ay Galmudug oo ay dagaallo qabaa’il kusoo noqnoqdeen u baahan tahay.
  11. Musharaxaan marka laga soo tago inuu sarkaal sare oo ciidan ah yahay, waxyaabaha caawinaya ee uu kaga duwanyahay dhammaan musharixiinta kale waa inuu heli karo, tabbobar uu ku maamulana leeyahay ciidanka ugu tirada badan inta tartameeysa oo ah ciidan tiro-beel ah iyo gurmad saacad-kasta oo uu u baahdo, bacdamaa uu ka dhashay jufada ugu baaxadda ballaaran koonfurta Guriceel ee (Qurbac/Reer Ayaanle) ee isla degmada guriceel iyagu aas-aasay.

Sidoo kalana juquraafi ahaan si xiriir ah oo aan kala go’ laheeyn u deggan dhulka ku teedsan Guriceel, Ceeldheere ilaa caasimadda Dhuusamareeb halkaas uu si weeyn kaga horreeyo musharaxa kale ee reer Guriceel Mahad Maxamed Salaad.

  1. Halka musharax oo ay madaxweyne Qoorqoor isbaheysi dhinac-kasta la leeyihiin waana qodobka ugu weeyn oo uu ciidda ku cunsiin karo musharixiinta kale maadaama qodobka ugu weeyn ee doorashooyinka lagu kala adkaado uu yahay hadba sida loo kala isbaheysi ballaaran yahay.
  2. Xiriirkiisa qotadheer ee kala dhexeeya jilboweeynta siyaasadda reer Caabudwaaq oo iyagu u arka nin oday ah, aqoonyahan ah, ay saaxiibo gaar ah yihiin musharax haddii uu guuleeysto aan deegaankooda kusoo abaabuleeyn duullaan colaadeed, marka la barbar-dhigo musharax kale ee reer Guriceel oo iyaga KHAD-CAS u ah.

CAQABADDA KU GUDBAN;

  1. Waxaa ku furan maxkamad siyaasadeed uu ku furay agaasimihii hore ee NISA, waana nin kuleetiga loo heeysto inuu dhacay hanti soomaaliyeed oo lagu aaminay.
  2. Bulshada qaar ayaa u aragta inuu isku sharaxay si uu sharciga dalka iyo dacwadda culus ee lagu soo oogay “xatooyo xoolo dadweeyne” uga baxsado bulshadana u tuso inuu yahay nin dagaal siyaasadeed lagu soo qaaday ee aan hanti dadweeyne dhicin.
  3. Beeshiisa [Cayr] oo leh musharax kale oo culus [Mahad Salaad].
  4. Majiro xisbi uu ka tirsanyahay oo nafta u bixinaya, sida musharixiinta kale qaarkood, waana qodob doorashada u muhiim ah, ku tiirsanaanta xisbi ama koox tiirar adag leh midkood hadaadan-ba labadaba isku-heli karin markii doorasho miisaankeeda laga waramayo.
  5. Xisbiyada dalka ka jira iyo ragga damaca madaxweyne ee 2026 leh oo dhammaantood u wada arka nin isagu damac kale oo fog leh oo ay adagtahay in ay aaminaan, cabsi mug lehna ka qaba la shirkoobiddiisa.
  6. Isaga oo aan laheeyn ilo-dhaqaale muuqda oo ka saacidaya tartan uu la galo musharaxiin dhammaantood isaga ka wada jeeb-weeyn amaba dowlado iyo shaqsiyaad maalqabeenno ku wada tiirsan.
  7. Sirdoon ku-biirista siyaasadda Caashaqay sabab-kasta haku kallifto’e oo ay siyaasiyiin badan oo beeshiisa ah u arkaan inuu yahay culeysk ku soo kordhay.
  8. Koofi, Ninka kali ah, soomaali ah ee sameeyn kara ama awooda inuu isaga oo kula fadhiya, adiguna aadan waxba ka dareemin, dhib ama dheef kii uu kula maago kuu maleegi kara, tusaalaha ugu fiican waa weerarkii uu fiidnimadii 10-kii bishii August 2014 uu ku qaaday guriga Siyaasi Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal).

Kaas oo aan shalay buugga xusuus qorkeeyga ka helay in muddaddii uu Koofi waday isku-dubbaridka weerarkaas oo dhan inuu isla Cabdi Nuurraha uu saacado kadib weerari doono uu casho uu isaga Koofi ah ku casumay uu la fadhiyay dabaqa koowaad ee Hotel Jazeera, Cabdi Nuurre oo markii ay dhanka amniga timaado lagu tiriyo nin aad u foojiganna uu shaki galay, markii uu Cabdi cashada ka soo baxayna uu weerarku ku qabsaday albaabka koowaad ee Hotelka.

Weerarkii habeenkaas ciidanka NISA iyo Abdinuure dhexmaray raggii dhintay waxaa kamid ahaa AUN. saaxiibkeey Labo xidigle Caydiid oo ahaa sarkaal geesi ah, sirdoonka ka tirsanaa oo reer Xararyaale ahaa.

Inkastoo ay arintaas ka heshiyeen hadana ay isku aag ka yihiin arimaha doorashooyinka galmudug oo uu cabdi yahay garabka koobaad musharax madaxweyne gaashaanle koofi.

Xilligaas uu Koofi maleegayo dhagarta Abdi Nurre Siyaad wuxuu Koofi u shaqeeynayay ninka isla Koofina hadda soo eedeeyay lana tartamaya iyo ganacsato aano hore u qabtay siyaasiga Cabdi Nuurre.

Koofi wuxuu xilligaas ahaa Kabtankii sirdoonka caasimadda heystay. Sidoo kale isla maalmahaas wuxuu weerar ku ekeeyay guriga Cabdi Ileeys oo beesha Mursade u dhashay oo uu ku eedeeyay inuu hubka ka ganacsado.

  1. NIMAAN DHAQAN-CAYR LAHEEYN:

Aan bayaaniyo tilmaha shaqsiga ah ee aan sheegistooda guda gali doono waa meelaha gol-jilica uu ka leeyahay musrahax koofi iyo halka uu musharax Mahad Maxamed Salaad uu si wayn uu kaga horeeyo walina in badan oo badan.

Nimaan warkiisu cad-caddeeyn, fur-caddi laheeyn, aamusanaan badan oo laga shakiyo, col iyo nabad kan uu kula yahay kala saariddeeda aad dhib badan ka mudan karto, qofkii aan aqoonna uu wal wal ka qabi karo wax-ku-darsigiisa, qaab qayaanoole oo kale ah inuu alle u abuuray aad moodo, jecel in isaga dantiisa lagala shaqeeyo 1-9, taaduna halka soo haray ay noqoto, aan garasho badan oo dhanka gacanta ah lugu aqoon, garaacasho iyada ruuxeedu ay ku-cel-celis tahay mooyee, jecel in isaga saaxiib lala noqdo, isagase kaalintiisu inuu ku xushmeeyo ku ekaato, rajo laga qabin inuu kuu calool furmo ama warramo, dhaqaalaha bixiya hadduu dantiisa ka dhex arko, aan ku-dhac laheeyn, difaac nafsi ah oo korriimaddiisa agoonnimo iyo kolleejo xiriir la leh ku jira, socodkiisa, siduu u labisto, soowdkisa [warkiisa] hooseeya, habka uu u howlgalo intuba ay qaab sirdoon salka la wada galayaan.

GUNAANUD:

Dr. Maxamed Adam Koofi, musharax dan-guud marka la eego dheef u leh reer Galmudug- mid gaar-ahse dhib laga mudanayo.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Nairobi

Leave a Reply