Qaramada Midoobay ayaa ku dhiiri galinaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay kordhiyaan warbixinada ku saabsan caqabadaha cimilada ee Soomaaliya ka jira,maadaama cimiladu ay saameysay nolosha malaayiin Soomaali ah.
Maalinta Saxaafadda Adduunka, Jimco, May 3, 2024, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sheegtay “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa isbeddelka cimilada, iyadoo dhibaatada cimiladu ay saameysay nolosha malaayiin Soomaali ah. gaar ahaan kuwa ugu nugul ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si kor loogu qaado wacyiga dhammaan dhinacyada dhibaatooyinka deegaanka iyo saxafiyiinta waa lama huraan ujeedadan.
“Si Soomaaliya ay u gaarto hadafkeeda ah xasilloonida iyo horumar waara, waxaa lagama maarmaan ah in saxafiyiinta ay si sax ah, waqtiyeysan, oo dhameystiran uga warbixiyaan arrimaha deegaanka iyo cawaaqibka ka dhalan kara iyo sidoo kale xalalka suurtagalka ah,” ayay raacisay.
Iyada oo qayb ka ah ololaha lagu xusayo sannad-guurada 75-aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqul insaanka sannadkii hore, Qaramada Midoobay ayaa billowday olole warbaahineed oo lagu horumarinayo laguna ururinayo aragtida dhallinyarada ee ku aaddan isbeddelka cimilada iyo arrimaha deegaanka si ay codkooda u maqlaan sida isbeddelka cimiladu u saameynayo Soomaaliya.
Waxaa la aas aasay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay sanadkii 1993-kii, Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa loo qoondeeyay muhiimadda saxaafadda iyo xorriyatul qawlka marka la eego xaaladda cakiran ee hadda jirta ee caalamka. Mawduuca sanadkan waa Saxaafad loogu talagalay meeraha: Suxufinimada marka loo eego qalalaasaha deegaanka.’
Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxa ay ujeeddadeedu tahay in ay muujiso doorka muhiimka ah ee saxaafadda, saxaafadda, helista macluumaadka, iyo faafinta macluumaadka ay ka ciyaaraan xaqiijinta mustaqbal waara.
Si kastaba ha ahaatee, xuska sanadkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu bilaawday xilli roobaadkii Gu’ga ee bilaha April iyo June, iyadoo maalintii labaad ay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ka socdaan barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka iyo duunyada, kadib fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah.
Goobaha weli barakaca laga dareemayo waxaa ka mid ah xaafadda Kooshin, gaar ahaan tuulooyinka Raaderka iyo Kutiimbo oo ah meelaha ay saameynta ugu badan ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabelle. Qoysas badan oo ka barakacay xaafadahaas ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku go’doonsanaa guryihii ay ku noolaayeen, kuwaasi oo aan awoodin in ay ka baxsadaan fatahaadda.
Tan iyo 19-kii Abriil, roobabkii Guga ayaa saameeyay kumannaan qof oo sababay dhimashada toddobo carruur ah. Dowlad goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa ugu daran ee saameynta xooggan ay ku yeelatay, sida ay sheegtay dowladda.
Soomaaliya waa dalka labaad ee ugu cimilo-beelka badan adduunka, waana mid ka mid ah kuwa ugu yar ee diyaarka u ah inay wajahaan dhibaatada cimilada, marka loo eego cimilada adduunka ee ND-GAIN.
Xafiiska Wararka Muqdisho