Ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa sheegay in ay qaadeen weerarro dhanka cirka ah oo ay la beegsadeen bartilmaameedyo Al shabaab ah.
“Codsi ka yimid dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayuu Taliska Mareykanka ee Afrika ku qaaday weerar is-difaacid ah oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu qaaday shan bartilmaameed oo ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab 9-kii Febraayo” vayaa lagu yiri war qoraal ah oo ku yaal bogga Africom.
Waxay ka dheceen werraradu deegaanka Yaaq Dabeel.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay laba Al-shabaab ah, aysanna waxba ku noqon dad rayid ah.
Office Nairobi Kenya