October 5, 2024

Wararka ka imaanaya  Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen burcad badeed.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka  Raas Caseer ee maamulkaasi, ayada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday.

Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Gaashaanle Fu’aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in eedeysanayaasha saddexda ah ee la qabtay la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply