Ciidamada RSF ayaa u muuqda kuwo isku diyaarinaya weerar ay ku qaadaan magaalada weyn ee Ceel-Fashir oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay ciidamada dowladdu ka maamulaan gudaha gobolka Daarfuur ee dalka sudan.

Kormeerayaasha caalamiga ah oo uu ku jiro Mareykanka ayaa ka digay dagaal xooggan oo dhici doona maalmaha soo socda, iyadoo ciidamada RSF ay kusii siqayaan magaalada, oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo qof. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karta masiibo bani’aadannnimo, maadaama uu socdo dagaalka Ceel-Fashir.

Xoogagga RSF ayaa lagu eedeeyay olole isir sifeyn ah oo ka dhan ah kooxaha aan Carabta ahayn kaas oo ka dhacaya deegaannada kale ee ay qabsadeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply