Wararka ka imaanaya Magalada Hargaysa Somaliland, ayaa sheegaya in Xalay Xabsiga la dhigay labo suxufi iyo farsamo yaqaan ka tirsan TV-ga MM oo xalay qabtay dood toos uga socotay barta X ee horey loo oran jiray Twitter.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay xalay u dhaceen Xafiiskaasi oo ay ka socotay Doodd ay daadahinayeen labada suxufi ee la kala yiraahdo Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib.
Doodaan ayaa si live ah waxaa uga qeyb galayay Feysal Cali Sheekh oo madax ka ah Hay’adda Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka ee Somaliland iyo Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed, waxayna ku saabsanayd “Faa’iidada iyo Khatarta Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya”.
Sidoo kale Intii ay socotay doodda ayaa la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka Somaliland ay galeen xarunta TV-ga MM ee Hargeysa halkaas oo ay ka qabteen Weriye Maxamed Ilig, Weriye Maxamed Andar iyo farsamo yaqaan Ilyaas Cabdinaasir.
Office Nairobi Kenya