April 27, 2024

Sargaal sare oo katirsanaa ciidanka booliiska Somaliland ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii uu sheegay hadal dad badan layaab ku noqotay kana carreesiiyay madaxda sare ee maamulka Somaliland.

Gaashaanle dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale) oo katirsan saraakiisha sar sare ee booliiska Somaliland ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay gudaha masjid ku sheegay in ay kordhayaan dhallinyarada cudurka HIV IDS-ka ka qaadaysa galmada.

Sargaalkan ayaa sheegay in dhallinyaro badan oo ka shaqeeya tagaasida in uu ku dhacay cudurka HIV, waxa uuna sheegay in qaarkood lagu ogaaday kaddib markii dhiig u baahatay nin tagsiile ah xaaskiisa oo isbitaal la geeyay .

“Ninka ayaa u yeertay dhallinyaro ay asxaab yihiin oo tagaasi ku shaqaysta si ay dhiig ugu shubaan, markii dhiiggooda la baarayna waxaa laga helay cudurka HIV/AIDS” ayuu yiri gaashaanle Cabdisalaan Caydiid Cumar .

Waxa uu sheegay sargaalka in dhallinyaradaasi markii ay dhaqaatiirta weediiyeen sida ay ku qaadeen cudurka ayey u sheegeen in ay ka qaadeen haween ajaaniib ah oo ay u galmoodeen sida uu tilmaamay.

Sargaalkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay booliiska maamulka Somaliland ayaa la dhigay xabsi, waxaana lagu eedeeyay in uu sheegay war been ah oo bulshada wal wal badan ku dhax abuuray.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply