December 4, 2024

Ciidanka daraawiishta Galmudug oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 ruux oo ku eedeysan la shaqeynta kooxda Al Shabaab iyo in ay jawaasiis u ahaayeen kooxdaasi.

Raggan la tuhmayo in ay Al Shabaab la shaqeenayeen ayaa ciidamada ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Camaara iyo xinlabi ee dhaca koofurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay in soo qabashada ragan ay ka dambeysay kaddib markii shacabka deegaanka ay lasoo wadaageen xogta ragaan, kuwaas oo kooxda Al Shabaab kala shaqeyey weerarkii ay ka fuliyeen deegaanka Xinlabi.

Sidoo kale Raggan lasoo qabtay ayaa la sheegay in lagu sameenayo baaritaanno la xariira dambiga lagu tuhmayo, waxaana saraakiisha ciidanka u digeen dadka kala shaqeeya Al Shabaab dhibaateenta shacabka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply