Ciyaaryahan reer Masar ee Mohamed Salaax ayaa dhaawac muruqa ah ku seegi doona kulanka muhiimka ah ee xulka qarankiisu la ciyaari doonaan kooxda Cape Verde isniinta.
Weeraryahanka Liverpool, oo 31 jir ah, ayaa sidoo kale laga saaray wareega 16ka hadii Masar ay soo baxdo.
Salaax ayuu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii ay Ghana 2-2 la galeen Khamiistii ka hor qeybta nasashada.
Tani waxay ka dhigtay in kooxdan haysata rikoorka todobo jeer ee horyaalnimada Afrikaanka, ay u baahan yihiin in ay garaacaan Cape Verde oo hore ugu soo baxday si ay u xaqiijiyaan horumarkooda.
“Tijaabooyin lagu sameeyay Mohamed Salaax oo ah kabtanka xulka qaranka Masar waxa ay cadeeyeen in uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, uuna seegi doono labada kulan AFCON ee soo socda” ayuu yiri xiriirka kubadda cagta Masar.
Salaax ayaa sidaas darteed mar kale ka soo muuqan doona tartanka haddii Masar ay u soo baxdo wareega sideed dhamaadka ee 2-da ama 3-da Fibraayo.
Horaantii Jimcihii tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa soo jeediyay in dhibaatada muruqa ee Salaax ay u badan tahay in ay tahay mid halis ah.
Office Nairobi Kenya