April 28, 2025

 

46 saac kadib waxa la ogaaday in uu joogo Duleedka magaalkada cadaado Danbiile Sayid-Cali Macalin Daa’uud  oo ku gubay maalmo ka hor xaaskiisa kadibna ay u dhimatay arintaas ayada oo uur leh.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi Maxamed oo saacadihii la soo dhaafay Baraha bulshada lagu sheegayay in Danbiilaha Sayid-Cali Macalin Daa’uud ay isku haybyihiin uuna asaga xamar ka baxshay ayaa arintaas diiday iskana fogeeyay.

“Asaga, ciddii fakisay, kii gaariga ku qaaday, kan meesha uu jooga ku haya, intaba waa la soo qabanayaa, sharcigana waa la horkeenayaa, xataa kaligii lama soo qabanaayee, markuu imaanaayay gaaribuu watay, gaari buu ku baxay, Xamar gaari buu uga tagay, kuwa hadda haaya oo meeshuu jooga ku haayana waa lagu soo qabanayaa in shaa Allaahu” ayuu yiri taliye Macalin Mahdi.

 

Sidoo kale Booliska ayaa baadigoob ugu jira eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 kii bishii hore ee Janaayo gubay xaaskiisii oo uur lahayd marxuumad Luul Sheekh Cabdi.

Booliska ayaa sheegay in uu socdo hawgal lagu doonayo in ninkaas lagu soo qabto, waxayna bulshada ka codsadeen in ciddii xog ka haysa halka uu joogo ay la wadaagaan barta ciidanka ammaanka ee ugu dhaw ama numbarka gaaban ee booliska ee 991.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply