Iyadoo waaxda saadaasha hawada ee Kenya ay saadaalisay roobab mahiigaan ah usbuucan, tirada dadka ay saameeyeen roobabka bilaha Maarso ilaa Maajo celcelis ahaan ka sarreeya ayaa sii kordhaya.

Dadka ku nool ismaamulka Machakos ayaa waxaa go’doomiyay biyo daad ah oo baabi’iyay guryihii iyo beerahoodii.

Kooxda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa ka jawaabtay baaqa si loo badbaadiyo dadka ay biyuhu ku go’doomiyeen guryahooda.

“Waxaan la nimid koox tababaran oo baadigoobka iyo samatabbixinta aqua, wata dooni caag ah oo matoor wadata si ay uga xaajoodaan meelaha caqabadaha ah oo ay isku dayaan in ay soo saaraan dadka,” ayuu yiri John Abelio, Isuduwaha Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Laanqeyrta Cas, Kenya.

Waxaa lagu qiyaasaa in daadadku ay saameeyeen in ka badan 100 kun oo qof, burburiyeen dalagyadii beeraha, iyo burburay kaabayaasha dhaqaalaha, dugsiyada, guryaha, iyo ganacsiyada yaryar.

Horaantii isbuucaan, Laanqeyrta Cas waxay abaabushay kooxo xeeladeysan si ay gacan uga geystaan dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ee qaybo kala duwan oo ka mid ah caasimadda, Nairobi, oo ay saameeyeen roobab lixaad leh.

Dadka ku nool meelaha u nugul daadadka ayaa lagula taliyay inay u guuraan dhul sare.

Martha Waema, oo ah dhibane daadad, beerteedana ay burburiyeen roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay dalka, ayaa sheegtay in dowladdu ay soo farageliso.

“Dhammaan dalaggeyga waa baaba’een, waxba ma goosan doono daad dartiis, waan gaajaysannahay, dowladdu waa inay na caawisaa,” ayay tiri.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply