Intii lagu guda jiray doorashadii madaxtinimo ee Ruushka Moscow ayaa billowday olole ballaaran oo ay ugu sheegayso shacabka ku nool qeybaha la haysto ee Ukraine inay u codeeyaan doorashada madaxtinimo ee Ruushka.
Markii ugu horeysay, codbixinta qaranku waxay dhacday saddex maalmood (15 – 17 March), inkasta oo codbixintu ay bilaabatay horaantii qaybaha la qabsaday oo ka kooban afar gobol oo Yukreeniyaan ah: oo kala ah Zaporizhzhia, Kherson, Donetsk iyo Luhansk.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka cawday dad gacansaar la leh Ruushka oo wata sanaadiiqda cod bixinta oo guri guri u tagaya codbixiyeyaal ay la socdaan ciidamo hubeysan.
Xafiiska Wararka Muqdisho