Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya abaabul Ciidan oo Dowladda federaalka Soomaaliya ka wado Deegaanada Galmudug oo la doonayo in Mar kale Gulug dagaal lagu qaado Deegaanada  Galmudug ay ka joogaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Abaabulkan ka socda  gobollada dhexe ee dalka gaar ahaan mudug iyo galgaduud ayaa Ujeedka yahay  dib u bilaabidda howlgalladii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay weli ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

\

Ciidamo kala gadisan oo ka qayb qaadanaya dagaalka ayaa haatan lagu diyaariyay gobollada dhexe, si ay qayb uga noqdaan xoreynta deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Xoogga dalka ay tegi doonaan furimaha hore, gaar ahaan maalmaha soo socda magaalada Dhuusamareeb  halkaas oo ay ka abaabuli doonaa gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply