.
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in Wasiirrada difaaca ee dalalka Turkiga iyo Jabuuti ay heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah ku kala saxiixday magaalada Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.
Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa ka hor heshiiska kulan looga hadlayay arrimahaan ku yeeshay dalka Turkiga kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu halkaa gaaray wasiirka Jabuuti ka socda.
Labadamas’uul ayaa sheegay in iskaashigaan uu wax badan ka tari doono danaha labada dal.
Sidoo kale Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku teedsan gacanka cadmeed ee marinka badda cas.
Xafiiska Wararka Muqdisho