April 28, 2025

Mauritius ayaa diiday markab laga leeyahay dalka Norway in uu ku soo xirto caasimadda Port Louis cabsi laga qabo in daacuun uu ka dillaacay gudahiisa.

Ugu yaraan 15 qof oo ku sugan gudaha markabka Dawn ayaa la karantiilay sababo la xiriira in laga shakisayahay in dacuun uu ka dilaacay gudaha markabka.

Mas’uuliyiinta Mauritius ayaa sheegay in go’aanka lagu xayiray markabka “loo qaatay si looga fogaado wax kasta oo khatar caafimaad ah”.

Waxaa shalay la qaaday muunado tijaabo ah, iyadoo natiijada la filayo in berri la ogaado.

Rakaabku waxay la kulmeen calaamado khafiif ah oo xanuunka caloosha ah intii ay u safrayeen Koonfur Afrika, sida uu sheegay wakiil ka tirsan Norwegian Cruise Line Holdings .

 Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply