Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya  Jabril Ibrahim Cabdulle uu ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyahanadii khudbadaha ka jeediyay kulankaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commerce & e-education.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply