Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal ay uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, aas oo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu la mid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Beeno fara badan”.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Soomalaidu

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply