September 12, 2024

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ay ahayd habeen dadka ay aad ugu dukaamaysanayeen Ciida Carafo oo maalmo naga xigaan, waxayna dadka Muqdisho ku baraarugeen  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay Suuqa ugu weyn ee dalka Soomaaliya (Suuqa Bakaaraha) si uu ugu kuur-galo isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii.

 

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Howlwadaag, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka iyo Ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Maalmo ka hor ayay ahayd Markii Taliyaha Nisa Mahad Maxamed salaad uu booqasho Nuucaan ah ku tagay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo dadka ay soo dhaweeyeen dadaalka Taliyaha Nisa uu u qaaday dhinaca amaanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply