Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalad halis ah oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awday, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka oo ku dhacay dhaamka biyaha ee degmadaasi.
Marxuumka ayaa waxaa lagy magcaabyaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa.
Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maaintii labaad ku sugan halkaasi, ayada oo dadaallo wadaan bad-maaxiyeen la geeyay goobta.
Sidoo kale Ciidamada iyo mas’uuliyiinta deegaanka oo is kaashanayo ayaa ilaa xalay dadaal ku bixinaya sidii loosoo saari lahaa maydka marxuumka
Xafiiska wararka Muqdisho