Wararka ka imaanaya dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Muddo labo maalmood ay xiran tahay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in arintaan ay timid kadib marrkii ganacsatada lagu soo rogay canshuur dulsaar ah oo sida ay sheegeen aan sharciga waafaqsaneyn.
Ganacsatada oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda Soomaaliya aysan ka war qabin lacagtaan lagu soo rogay, iyagoo si cad u sheegay in shakhsiyaad gaar ah ay qaadanayaan.
Sidoo kale Shaqadii dekedda Muqdisho waxay sheegeen inay dowladda ka socon weysay, isla markaana aysan waxaba kala soo degi doonin dekedda ilaa madaxda ugu sareysa dalka ay soo farogeliso arrintaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho