March 25, 2025

Xaaladda Isbitaalada Qasa ayey si weyn ugu dayrinayaan haya’addaha Qaramada Midoobay halkaas oo muddo afar bil ah uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dr Mohammed Al Sheikh wuxuu fariintan dareen leh ka soo diray Isbitaalka Al-Shifa, oo ah cisbitaal weyn oo ku yaala waqooyiga Qasa, kaas oo ahaa bartilmaameedka weerarka dhulka ee Israa’iil.

Wuxuu sheegay in uu seexdo Isbitaalka isla markaana u shaqeeyo habeen iyo maalinba todobaadka oo dhan, mararna wuxuu sheegay inay helaan nasiino yar oo saacoado ah.

“Gurigayga ma tago,Qoskaygana uma tagi karo, waayo waxay joogaan waqooyiga Qasa iyagoo ku jira hoyga dugsiyadda.”ayuu yiri Dr. Maxamed.

Dhanka Raashinka, wuxuu sheegay in la heli karodhowr shay, gaar ahaan Bur iyo Bariis la’aan, waxaana gabaabsi ka jira Cunnada daruuriga ah. Waxaan bixinaa wax kasta oo aan awoodno. Waxaa nasoo gaaray dhaawacyo u badan haween, caruur iyo dad waayeel ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply