December 4, 2024

Dhismaha xafiis ee ugu weyn dunida waa 659,611 mitir oo laba jibbaaran (7,100,000 cagood laba jibaaran waxaana ku guulaystay xafiiska Surat Diamond Bourse oo ku yaal Hindiya goblkiisa Gujarat, 8dii Agoosto 2023.

Dhismaha Surat Diamond Bourse waxa dhismihiisa la soo gebagebeeyey 1dii Agoosto 2023. Waxaa la doonayaa in xafiiskani noqdo xudun ku habboon in ka badan 65,000 oo khubarada dheemanka ah, kuwaas oo isugu jiray, jarjarayaasha, sifeeyayaal, iyo ganacsatada dheemanka

Surat Diamond Bourse waa dhisme baaxad leh oo ka kooban sagaal qaab-dhismeed leydi ah oo ku wada qotoma “lafdhabarta” dhexe. Baaxadda in ka badan 35 acres, iyo dhismaha oo ka kooban 15 dabaq wuxuu bixiyaa aag isku xiran.

Markii farta laga qaaday dhismihiisa waxaa xafiiskan u aqoonsaday kan ugu weyn dunida, diiwaanka waxyaabaha taariikhda gala ee Guinness world Record.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply