Dhowr xisbi oo siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka Mali ayaa sheegay in ay codsi u gudbinayaan maxkamadda sare si ay isugu dayaan in ay baabi’iyaan wareegto ka soo baxday madaxda militariga ee dalkaasi oo lagu hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in xukunkaasi uu ahaa mid dulmi oo wax caburinayo.

Hogaamiyayaasha militariga Mali – oo xukunka la wareegay 2021 – ayaa markii hore balan qaaday in doorasho la qaban doono horaanta sanadkan.

Laakin waqtigii loo qabtay ayaa meesha laga saaray, wariyayaashuna waxay sheegayaan in milatarigu ay u muuqdaan kuwo go’aansaday in ay xukunka sii hayaan dhowr sano oo kale.

Waxa ay sidoo kale dhawaan ka mamnuuceen warbaahinta in ay tabiyaan dhaqdhaqaaqyada xisbiyada siyaasadda.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply