March 25, 2025

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawad ay ka bilaabantay Magaalada Muqdisho dibadbaxyo ay dhigayaan dadweynaha magaalada isla markaana ay kaga soo horjeedaan heshiiskii is af-garadka ahaa ee dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo Maamulka Muuse Biixi.

Isu soo baxyadaan oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa sidoo kale taageeraya dowladda federaalka oo iyadu si adag uga hortimid heshiiskaas.

Sidoo kale Waddooyinka ayaa xiran waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo la qorsheeyay in dadku ay isugu tagaan fagarayaal ku yaalla Muqdisho halkaa oo sida la sheegay khudbado laga jeedin doono Xubno ka titrsan Dowlada Somaliya oo uu ka mid yahay Raisal wasaaraha Somaliya.

Office Nairobi kenya

Leave a Reply