Diyaaradaha dagaalka ee caawiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday baabuur Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ayaa ka dhacay deegaanno katirsan Hirshabelle iyo Galmudug.

Duqeyn culus ayaa lagu garaacay koontarool Al Shabaab ku baaraan gaadiidka iyo dadka, kaa oo u yaallay duleedka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana duqeyntaasi la sheegay in lagu dilay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , sidoo kale ka firxadeen goobtii ay shacabka ku dhibaateenayeen ee la duqeeyay.

Duqeyn kale oo diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Carfuudo oo hoostaga tuulada Wadaariq ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday xubno katirsan jabhadaha Al Shabaab, waxaana lagu bur buriyay afar goob ay ku sugnaayeen jabhadaha Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale duqeynta ka dhacday gobolka Mudug lagu bur buriyay garaash Al Shabaab lahaayeen oo ay ku jireen gaadiid dagaal iyo sidoo kale gaadiid kale oo la sheegay in qaraxyo lagu diyaarinayay.

Taliska ciidanka xoogga ayaana sheegay in Al Shabaab khasaarooyin lagu gaarsiiyay duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday, waxa ayna xuseen in gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo qaraxyo waday dhulka lala simay, ayna sii socon doonaan duqeymaha.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply