December 6, 2024

Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya  Duqaymo maleeshiyaadka alshabaab ay kula begsadeen weerar cirka ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay Isniintii shalay  ka fuliyeen meel u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug waxaana ku dhintay ku dhawad 50 Maleeshiayadka Al-shabaab ah.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Jiis uu ka mid ahaa dadka lagu dilay weerarka.

Sidoo kale Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

 

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply