September 9, 2024

Dowladda Aljeeriya ayaa ballan qaaday in ay Mozambique ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah afduubka iyo fallaagada jihaad doonka ah ee inta badan saameeyay gobolka Cabo Delgado ee waqooyiga dalkaasi.

Heshiiska ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi uu booqasho afar maalmood ah ku tagay Algeria.

Madaxweyne Nyusi ayaa u sheegay suxufiyiinta Axadii in Algeria “ay u ballan qaaday taageero degdeg ah oo ciidamada maxalliga ah, kuwa la dagaallamaya argagixisada”.

Waxa uu intaasi ku daray in dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika ay tababari doonaan ciidamadooda, isla markaana ay u diri doonaan qalab ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxaha Jihaad doonka ah.

Labada dal ayaa leh xiriir taariikhi ah oo qoto dheer, maadaama jabhadii ugu horeysay ee dagaalka xoreynta Mozambique lagu soo tababaray Algeria.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply