January 24, 2025

Faransiiska ayaa eryay imaam “xag-jir ah” oo hadal aan la aqbali karin ka sheegay calanka dalkaas, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Gérald Darmanin.

Mahjoub Mahjoubi ayaa u muuqday in uu calanka Faransiiska ku tilmaamay mid “shaydaan ah”, muuqaalkan oo si aad ah ugu baahay online-ka horaantii todobaadkan.

Laakiin imaamku wuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay wuxuuna sheegay in aanu ula jeedin ixtiraam darro ku wajahan calanka.

Mahjoub Mahjoubi, oo u dhashay dalka Tunisia, balse yimid Faransiiska 38 sano ka hor, waxa uu imaam ka ahaa masaajidka Ettaouba ee ku yaalla magaalada yar ee Bagnols-sur-Cèze, ee koonfurta Faransiiska.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply